Sheikh Shariif iyo Xassan Sheekh oo lagu xannibay garoonka diyaaradaha muqdisho iyagoo kusii jeeda Beledweyn

0

Wafdi ballaraana oo ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif iyo Xassan Sheekh ayaa saaka saacado lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii maamulka Garoonka uu amray in aysan halkaasi ka dhoofi karin wefdiga oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaaraddii qaadi lahayd wefdiga ayaa lagu xannibay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii amar ka soo baxay dowladda la duldhigay maamulka garoonka in aysan fasixi Karin diyaaraddaasi.

Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa  ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaada Beledweyne ugu deeqeen  lacag dhan $200,000 oo dollar, si ay ugu caawiyaan dadka ku waxyeelloobay fahataadda.

Saacado kadib ayaa loo ogolaaday inay u safraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay u wadeen mucaawinada ay ugu deeqeen Madasha Xisbiyada Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here