DAAWO Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Puntland oo mar labaad ku celiyay inuu….

0

Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, ayaa mar kale ku celiyay in uu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha Wakiilada Puntland.

Mudane Dhoobo waxa uu sheegay in aan xilka qaadistiisa loo marin waddo sharciya,sidaasi darteedna uu weli isagu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamanka Puntland, isagoo tilmaamay in gebi ahaanba lagu tuntay Dastuurkii iyo Nidaamkii Puntland ee lagu heshiiyay.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa, islamarkaana awood ciidan u isticmaashay hay’adda xeer-dejinta.

Guddoomiye Dhoobo, waxa kale oo uu  bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay, dabadeedna ay mowqif midaysan uga qaataan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here