DEG DEG Gudddoomiyihii Baarlamanaka Puntland oo maanta xilka laga qaaday

0

Xildhibaanada Baarlamanka maamulka Puntland oo maanta waxaa ay  kulan ku yeesheen xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe, waxaa ayna xilka ka qaadeen guddoomiyihii Baarlamanka maamulkaasi Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka mudanayasha oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Ku dhawaad 40 mudane oo ka tirsan Baarlamanka maamulka Puntland ayaa xalay mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka maamulkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa kulanka ka sheegay in xilka qaadistaan ay tahay Sharci, kaidb markii Guddoomiyaha uu ku tuntay Sharciga iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here