Baarlamaanka Puntland oo magacaabay guddiga doorashada Guddoomiyaha Cusub

0

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo sidoo kale socod-siinta dhammaan hawlaha doorashada guddoomiyaha cusub.

Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan  November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyihii hore ee Maamulka Puntland ee xilka laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here