Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ka qeyb galay Munaasabad tababar Ciidan loso xeray

0

Magaalada Baydhabo ayaa manta waxaa tababar ciidan loogu soo xeray ku dhowaad boqol iyo konton askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka somaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay xaflada ciidanka tababarka  dhameystay oo lagu qabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa hadal yar ka jeediyey goobtaasi waxaana uu yiri isagoo dhiiri gelinayo ciidanka cusub ineey noqdaan kuwa gilgila kuwa cadowga ku ah dalkooda inuu horay usii socdo.

Munaasabbadda tababarka ayaa waxaa kaso qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan  dowladda Somaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah Koonfur Galbeed .

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu deeqay tababarkan maanta loso xiray ciidamada cusub ee  soomaliyeed waxaana halkaasi ka muuqday saraakiil ingiriis ah kuwaasi oo si fiican u tababaray ciidankaasi .

Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Somaliya oo kamid ahaa mas’uuliyiinta kaso qeyb galay munaasabadda u kula dardaarmay ciidamada cusub ee xooga dalka  ineey horay u socdaan waxaan filaeynaa in sanadaha  soo socda la helli doono saraakiil iyo ciidamo somaliyeed oo ku filan difaaca dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here