Shiikh Shariif iyo Hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxman Cabdi Shakuur oo gaaray Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed,iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo wafdi ay hoggaaminayeen ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Wafdigan ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulka Jubbaland

Shiikh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay magaalada Kismaayo u gaareen inay ka qeyb-galaan munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here