Wafuud ka imaanaya Muqdisho oo ka qeyb galeysa caleema saarka Axmed Madoobe oo ku sii jeeda Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa u xaqiijiyay Arlaadii.net inay ka socoto qaban qaabada soo dhoweynta wafuud dheeraad ah isugu jira madaxdii hore iyo xildhibaano isugu jira golaha hoose iyo golaha sare oo ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaasoo maanta ku sii jeeda Kismaayo.

Argada Kismaayo

Wufuuda laga sugaayo Dowlad goboleedka Jubaland ayaa la filayaa inay ka kala imaadaan magaalooyinka Nairobi, Garowe iyo Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Xaflada caleema saarka ee Axmed Madoobe, iyadoo la diyaariyay diyaarado lagu soo qaadayo wafuuda imaaneysa.

Dowladda Federaalka ayaa weli ka hadlin diyaaraddii tooska aheyd ee shalay ka timid Nairobi, kana degtay magaalada Kismaayo, waxaana diyaaraddaas ay siday wafuudii u horeysay ee ka qeyb galaya caleema saarka oo ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here