Shariif Xasan, C/kariin Guuleed iyo Xildhibaano sodomeyo gaaraya oo goor dhow ka degtay Kismaayo

Diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Koofur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow ka degtay magaalada Kismaayo, iyadoo toos uga timid magaalada Nairobi.

Wafdigan ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Koofur Galbeed iyo Galmudug waxaa qeyb ka ah illaa sodomeeyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  dowladda Federaalka ah, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismaayo.

Arrintan ayaa dowlada federaalka ku noqotay filan waa xeelada oo uu ciyaaray Maamulka Jubbaland oo ku aadan si walba oo ku suurta geli karto inay ku dhacdo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay wafuud kala duwan ka degaan Kismaayo, si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleema saarka

Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in 9-ka bishan ka dhacdo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here