Wasiir Cawad oo faahfaahin ka bixiyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ku yeelatay dalka Maraykanka.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad, ayaa faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay.

Axmed ciise Cawad ayaa aad u bogaadiyay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington D.C, waxa uu  sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya ee       kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.

Dhinaca kale, wasiir Cawad ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here