Madaxweyne Xaaf oo magacaabi doono guddiga xalinta khilafadka Dowlad Goboledka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u ogolaatay inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafka ee Maamulka Galmudug.

Ilo xog ogaal ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf uu arintan dhowr kala hadlay madaxda dowladda federaalka soomaaliya, iyadoona ugu dambeyn ay dowladda ka aqbashay inuu si deg deg ah u magacaabo guddiga xalinta khilaafka ee maamulka Galmudug.

Guddigan ayaa waxaa looga tala galay inuu dhameeyo tabashooyinka jira iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arimahaasi, waxaa uuna ka shaqeyn doonaa gudigan inuu heshiisyo kala dhex dhex dhigo beelaha degana galmudug, islamarkaana uu ka dalbado in ay si wadajir ah u dhistaan maamul loo dhan yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagu dhisayo maamulka galmudug, iyo sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhex jira beelaha dega deegaanada galmudug.

Beesha caalamka ayaa loo diiday inay faragaliso Khilaafyada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Galmudug iyo Khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya madaxda maamulka oo dhinac ah, sida ay xaqiijiyaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed, taasi  oo u dhaxeysa beelaha dega galmudg.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa wado qorshihii lagu dhisi lahaa maamulka Galmudug, maadaama muran iyo dhibaatooyin badan laga soo maray.

Bulshada  ku nool deegaanada Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulkaasi.

Wax garad iyo aqoonyahan badan oo qaarkood joogaan Dhuusomareeb iyo meelo kale ayaa iyaguna rajo fiican ka muujiyey in dedaalkan haatan socdaa guulaysan karo oo xal kama dambays ah laga gaari karo arimaha taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here