Weerar ismidaamin ah oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Mareykanka ee Belidoogle

0

Wararka ka imaanaya Degmada wanla weyn ee Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in weerar xoogan  oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday sadlhigga ciidamada Mareykanka ee ku yaalla garoonka Balidoogle ee duleedka degmada wanla weyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Gaadiid laga soo buuxiyey qaraxyo lagu weeraray saldhiggaasi,kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo uu dhexmaray ciidamada Marekanka oo garab ka helaya kuwa dowladda ee ku sugan xeradaasi iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhawaqa rasaas culus ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose,

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxyada ka dhacay garoonka Balidoogle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here