Madaxweynayaashii hore ee dalka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay hoygiisa  ku booqdeen Madaxweynihi hore ee Somaliya Md, Cali Mahdi Maxamed.

Kulanka Madaxwweyneyaasha ayaa la sheegay in ay ugu hadleen  Xaaladihii ugu dambeeyay  ee Dalka Somaliya iyo xiisadaha siyaasadeed ee baryahaan kajiray magaalada Muqdisho iyo xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, si uu kaga qeyb galo caleema saarka Madaxeynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka soconayay kulamo looga hadlayo xaalada gud ee dalka iyo xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here