Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garowe

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaaladda Garowe ee xarunta maamulka puntland.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen garoonka diyaaradaha ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland waxa uu uga mahadceliyey guddoomiye Mursal sida uu waqtigiisa ugu soo bixiyey ka qeybgalka munaasabadda aas aaska maamulka Puntland oo ku beegan 1-da bisha nasoo aaddan ee Agosto.

Guddoomiye Mursal oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay inta ay joogaan Garowe isaga iyo wafdigiisu in ay ka qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay maamulka  Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka kala fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka maamulka puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here