Faah-faahin laga helayo dhaawacyadii loo qaaday Qatar oo mid ka mid ah uu geeriyooday.

0

Waxaa markii ugu horeysay faahfaahin laga helay xaaladda dadkii dhawaan loo qaaday magaalada Dooxa ee Qatar ee ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii na dhaaftay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Dhaawacyada loo qaaday dalka Qatar ayaa gaarayey 12 ruux oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow waxaana galinkii dambe ee shalay halkaas ku geriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Cusmaan Cali oo isagu ku dhaawacmay Qaraxii bartamihii bishaan ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa markii ugu horeysay ka war bixiyey xaaladda dhaawacyadii loo qaaday Dooxa iyo sidoo kale qaabka ay wax u gaareen guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow, waxuuna sheegay in xaalada guddoomiyaha ay soo hagaageyso sidoo kana saacadaha soo socda uu qaliinkiisii afaraad tan iyo markuu dhaawacmay uu galayo.

Safiirka ayaa sheegay in guddoomiye Yariisow ay dhaawacyadu kasoo gaareen caloosha iyo sidoo kale madax, waxuuna hadda galayaa qaliin dhanka madaxa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here