Madaxweyne Xaaf oo is kaga tagay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadda ka baxay magaalada Dhuusamareeb, isagoo dhanka Gaalkacyo ugu amba baxay safar dhinaca lugta ah.

Xaaf ayaa intii uu ku  sugnaa Dhuusamareeb waxa uu diiday in uu la kulmo wafdigii ka socday dowladda dhexe ee uu hoggaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Wax war ah kama soo bixin madaxweyne Xaaf oo ku aadanka bixitaankiisa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo duleedka Waqooyi ee magaalada Dhuusamareeb ay ku suganyihiin Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka maaliyadda Galmudug oo galinkii hore ee shalay soogaaray deegaanka Godinlabe.

ka tegitaanka Dhuusamareeb ee Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo aadeysa iyadoo la sheegayo in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu biri ku wajahanyahay magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here