Wasiirka Gashandhiga Soomaaliya oo Baydhabo ka furay xarun tababar ciidan

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Mardambeiyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka.

Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysaa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danhiraja Dowladda Britain bee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamidka yihiin dowladda ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro dagaalamayaasha Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here