Farmaajo oo gaaray Addis Ababa” Abiy Ahmed oo wada qorsho culus”

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 Abiy Ahmed ayaa wada dadaal xoogan si xal diplomaasiyadeed looga gaari lahaa qilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Abiy Ahmed ayaa u muuqda qof ciyaaraya ciyaar wijiyo badan ay adagtahayna si lagu fahmo madama uu hore u ahaa sarkaal sare ee sirdoonka Itoobiye.

Maalmo ka hor ayey aheyd Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya website keeda ay kusoo daabacday qariidad ay ka maqantahay Soomaaliya amaba lagu daray dalka Itoobiya, isla maalin kadib waxey soo bandhigtay liis safaradaha Itoobiya iyo dalalka ay joogaan Puntland iyo Somaliland waxey u aqoonsatay dalal iskooda u taagan kana madaxbanan Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya ee hada joogta ama kuwa imaandoona waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwa lajaan qaada ciyaarta siyaasadeed ee ka bilaawatay geeska Afrika aysan ku kadsoomin wax yaabaha uu wado Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here