Kheyre oo gaaray Doxa, kulana la qaadan doon Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar

0
44

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowlada Qatar.

Masuuliyiinta uu la kulmi doono waxaa ka mid ah Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Qatar Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman Bin Jassim Al Thani.

Waxaa lagu soo waramayaa in kulamada dhex mari doona Kheyre iyo Al Thani lagu qaadaa dhigi doono xoojinta xiriirka labada dal.

Dowlada Qatar ayaa dhaqaalo fara badan ku bixisay doorashadii Madaxweyne Farmaajo ilaa iyo hadana garab taagan Farmaajo, mararka qaar ayaa dadka shaki ka gala cida dalka maamusho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here