Kenya oo qabatay $1.7 Million uu waday sarkaal ku dhow Madaxweyne Farmaajo

0
7

Wargeysyada ugu caansan dalka Kenya ayaa qoray in sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya laguna magacaabo C/llahi Kulane kuna dhow madaxweyne Farmaajo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta isagoo xambaarsan lacag gaareysa $1.7 milyan.

Jomo Kenyatta international Airport

Sarkaalka la qabtay ee xambaar sanaa lacagta ayaa la xaqiijiyay in laga celiyay garoonka Joma Kenyatta lacagtii iyo wixii agab ah uu watayna waxaa la wareegay sirdoonka dalka Kenya.

Wasaarada Arrimaha Dibbada dalka Kenya Tallaabada ay uga mamnuucday in dalka Kenya la soo geliyo xamuul aan cidna la socon ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii la qabtay lacagtan gaareysa $1.7 Milyan islamarkaana uu xambaarsanaa mid kamid ah saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here