Dad ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe.

Wararka ka imaanaya Gobalka Nugaal  ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaaro nafeed geystay uu ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari xaamul ah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dul maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee Gobalka Bari.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay shilka  gaadiid ee xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe.

Dhalin yarada shilka ku geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay. sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal.

Shilalka sidan oo kale ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan deegaanada ka tirsan Puntland, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here