Digniin Al-Shabaab
Caawa u jeediyeen shacabka reer Baay.
Muqdisho''8-may-2008(Arlaadiimedia)Dhaq-dhaqaaqa
Al-Shabaab ayaa caawa digniin u jeediyay
shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo ah
xarunta gobolka Baay.

Afhayeenka
xarakada Al-Shabaab, Abuu Mansuur oo caawa
saxaafada la Hadley ayaa sheegay in ay uga
digayaan shacabka ku dhaqan Baydhabo in ay
ku dhowaadeen goobaha ay ku sugan yihiin
Itoobiyaanka iyo dowladaba.

“waxaan
shacabka uga digeynaa in ay ciidamada
gaalada iyo kuwa gaalo raacyada ay ku
dhowaadaan, cidii u tagta, wixii gaara anaga
mas’uul kama nihin’ ayuu yiri Abuu mansuur.

Hadalkan ayuu
Abuu mansuur sidoo kale ku sheegay in
dhaq-dhaqaaqyadooda ay sii xoogeysteen,
maalmaha soo socdana ay sii badin doonaan.