Abuu Mansuur:
“Mareykanka Anaga dad kaliya nagama
Ugaarsanine, lo’deena xitaa wey laayeen
marka, anagana qof kasta oo Mareykan ah,
waxaan leeyahay waa gaal, waana beegsaneynaa”
Muqdisho“8-may-2008(Arlaadiimedia)Mareykanka
Anaga dad kaliya nagama Ugaarsanine,
lo’deena xitaa wey laayeen marka, anagana
qof kasta oo Mareykan ah, waxaan leeyahay
waa gaal, waana beegsaneynaa” Sidaasi waxaa
yiri Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur),
afhayeenka xarakada Al-Shabaab oo shir
jaraa’id qabtay.

“Insha Alah
Gacanta Mujaahidiinta waan fidin doonta,
meel walba oo gacan gacanteena gaartana
waxaan ka fulin doonnaa talaabooyin aan ku
aargudaneyno” ayuu yiri Abuu Mansuur.

“Hadalka ka
soo yeeray Amnesty, waxaan u heysanaa in uu
yahay hadal ka soo yeeray Gaal qamri cab
Mareykan ah” ayuu yiri Abuu Mansuur oo ka
jawaabayay, sida ay u arkaan warbixintii
xaquuqda aadanaha ee ay soo saartay Amnesty.

DHinaca kale,
Abuu Mansuur ayaa sheegay in Ardeydii wax ka
baratay Aaden Xaashi Ceyroow oo qaarkood
howlo ganacsi isaga jiray ay dib u soo
laabteen, ayna ka qeyb galayaan dagaalada
kala horjeedaan Itoobiyaanka iyo dowlada
federaalka.