HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Ciidamada Itoobiyaanka oo Buulo Burde ka baxay.

Baladweyn''7-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo deegaanka Buulo Burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiyaanka ee halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay u dhaqaaqeen deegaanka jante kundishe (115) oo markii hore ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugnaayeen, balse ay ka guureen.

 

Waxaan la ogeyn sababta keentay xilligan in ciidamadan Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Buulo BUrde, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in deegaanka 115- ay ku wajahan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maxaakiimta.

 

Intii ay ku sugnaayeen Buulo Burde ciidamada Itoobiyaanka waxa ay weeraro kala kulmeen ciidamada maxaakiimta.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.