Ciidamo Madani ah oo
laga sameynayo Hiiraan.
Muqdisho''7-may-2008(Arlaadiimedia)Magaalada
Baladweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan
waxaa laga qorsheynayaan dhismaha ciidamo
madani ah oo suga amaanka magaalada iyo
qeybo kale oo gobolka ka mid ah.

Wararka waxa
ay leeyihiin kulamo joogto ah oo odayaasha
dhaqanka, ganacsatada iyo wax garad kale ay
yeesheen ayaa arrimahaasi lagu soo qaadey,
iyada oo go’ana lagu gaarey in la dhiso.

Waxaa
soconeysa dhismaha iyo qaban qaabada
ciidamada oo iminka aruurintoodala wado.

Arrimahan ku
saabsan hergelinta ciidamada madaniga waxa
ay ku soo begantay, kadib markii ay ku soo
bateen gudaha magaalada dhaca mobile-da iyo
waxyaabaha la mid ka.