HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Ciidamada Itoobiyaanka oo iminka howl gal ka wada Suuqa Xoolaha iyo goobihii shalay isku fidiyeen oo ay dib uga soo laabteen.

Muqdisho''7-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada Itoobiyaanka oo saakay aaney wehlin wax ciidamo Soomaali ah ayaa howl galo ka wada deegaanka Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa, gobolka Banaadir.

 

Wararka waxa ay leeyihiin ciidamadan oo raxan raxan u socda ayaa lagu arkayaa wadooyinka degmada Huriwaa, ayaga oo aan galeyn guryaha.

 

Ma jiraan ilaa iyo iminka wax rabshado ah oo ka hor yimid ciidamadan Itoobiyaanka ah, sidii horeyba looga bartay.

 

Dhinaca kale, Ciidamada Itoobiyaanka ee shalay isku fidiyay qeybo ka mid ah deegaanka Huriwaa, waxar Cadde ilaa wadada Aada Ceel Macaan, ilaa xalayna ku sugnaa halkaasi ayaa dib uga soo laabtay saakay halkaasi.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.