HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

   
 

African Development Trust (ADT)

oo soo bandhigeysa tariikhda 6-5-2008

Waxqabadka Hay’ada Samafalka ADT sadexdii bilood ee ugu danbaysay

African Development Trust (ADT) waa hay’ad gargaar oo ka diwaan gashan cariga Ingiriiska, hay’ada waxa la asaasay 2004, waxaana ay xooga saarta wax ka qabadka musiibooyinka,abaaraha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. 

Hayadu waxa ay fulisaa mashaariic joogto ah oo ay ka faa’iidaystaan dadka tabarta daran ee dagaalada sokeeye aafeeyeen,waxqabadkii ugu danbeeyay ee Hay’ada  waxa ay meelo  kala duwan ka hir galisay mashaariic  kala duwan
sida: xoolo dad cayroobay  loo qaybiyay,beeraro dad tabaalaysan loo falay  iyo Mashaariic caafimaad,iyo kuwo dacwadeedba,hadaba warbixntooda oo kookooban waasida tan soo socota:


mashruuca xoolo  qaybin:
hayada ADT mar kasta waxay u taagan tahay wax u qabadka umadda soomaaliyaad sidaa darteed ayaa markay ay dhibaatada baahsan ku dhacaday shacabka soomaaliya gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah - oo aysan waxba u qabanin hay,adaha samafalka-waxay garatey in ay kala qayb qaadato sidii wax looga gaysan lahaa dhibaatadaasi ku habsatey reer guuraaga.


hadaba ADT iyadoo ka duulaysa ulajeedooyinkii loo aasaasay ayaa waxay ka fulisay gobolka sh/hoose mashruuc loogu magacdaray (qoyska tusaalaha ah).
ADT iyadoo u kuur galaysa hadba meelaha baahida ka jirto ayaa waxay ka fulisay mashruuc xoolo qaybin ah oo ka kooban sac irmaan ah oo wato weeshiisa yar gobolka sh/ hoose gaar ahaan baadiyaha qoryoolay madaama ay dadkii reer guuraaga ahaa ay xoolilhii ka baaba,een bal in ay isku dayaan dadkaassi reer guuraaga ah in ay dib u soo kabsadaan mar labaad.
hay,ada ADTwaxay gudoonsiisay ilaa iyo labo qays xoolo irmaan ah si ay nolosha ula qabsadaan.
dabcan ADT waxay halkaasi ku soo aragtey dad aad u dhibaataysan ha ahaato xaga caafimaadka ,dhaqaalaha intaba.
 
mashruuca Beera qodida
mashruucan labaad waxay ADT ay ka fulisay gobolka g/hoose waxaan dadka degan meeshaasi ay u falaysay beeraha madaama uu soo dhawaa xiligii beeraha la beeranaayey.
waxaa mashruucaan ka faa”idastey dad gaaraaya ilaa 75 qays oo loo falay beerahooda.
 
 Mashruuca Caafimaadka  ( qaafilo dhibiyah)
dabcan caafimaadka waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu wayn ee uu qofka u baahan yahay hadii uu waayana ay soo wajahayso dhibaatooyin waa wayn, sidaa darteed ayaa ADT sidii looga bartey mar kasta in ay u gargaarto dadka tabaalaysan ayaa waxay fulisay  mashruucan caafimadeed waxayna ka fulisay xirooyinka ka samaysaymay jidka u dhexeya  magaalada muqdisho iyo afgooye.
waxa uu socday mashruucaan ilaa sadex maalmood oo maalin kasta la daawaynaayey 300 oo qoys,guud ahaanintii ay socotey howshaasi waxaa la daaweeyey dad gaaraaya 900 ruux.
dhaqaatiirka howsha fulinaayay waxay kala ahaayeen dhaqtarka ilmaha ,dadka waawayn iyo  haweenka .

Shirar wacyi galin ah diini iyo bulsho iskugu jira oo dadwaynaha dibada lagu wacyi galinayay inay kaqayb qaataan gargaarkadadkoodatabaaleysan loo samaynaayo.
 

waxa intaas dheer in Hay’adu ku talaabsatay in ay u gudubto waxkaqabashada dadka gobolada kale ku tabaalaysan,iyada oo dhawaan xafiis laga hirgaliyay Maamul goboleedka Puntland dhawaana shaqadiisa uu bilaabi doono insh alah,sidoo kale waxa qorshiheedu socdaa sidii mashaariic looga hirgalin lahaa Gobolada Somaliland hadii ilaahay idmo.

Dhamaan walaalaha akhristayaashawaxana ugu baaqaynaain ay hay’adaku kaalmeeyaan sidii ay shacabka Soomalaiyeedee taabalaysan wax qabadkiisa gacan uga gaysan lahaayeen.

 

Hay’ada waxa aad kala xiriiri kartaa ama aad waxugu soo hagaajin kartaa Adreska:

 

African Development  Trust (ADT)
Tel+ 44(0)207 9938 685
Mob:+ 44(0)79 8542 4058
E-mail:info@africandt.org
www.africandt.org

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.