Isku dhacyo ka socda
Iminka deegaanka Yaaqshiid.
Muqdisho''6-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada
dowlada federaalka Itoobiya ee fariisinka ku
leh Stadio Muqdisho ayaa saakay howl galo
ka sameeyay deegaano ku dhow dhow
fariisinkooda.

Deegaanada
saakay howl galada ay ciidamada Itoobiyaanka
ka sameeyeen ayay wararku sheegayaan in ay
kala yihiin Yaaqshiid iyo Deyniile, halkaasi
oo sida la sheegay ay dad faro badan ka soo
qab-qabteen.

Wararka
qaarkood ee iminka aynu ka heleyno aagaasi
ayaa tibaaxaya in meelaha qaarkood ay ka
socdaan rabshado u dhaxeeya askarta Itoobiya
iyo dagaal yahan ka tirsan xoogaga
mucaaradka ee ka horjeeda.

Inta badan
marka Ciidamada Itoobiyaanka ay qaadaan howl
galo sedan oo kale ah waxa dhaca weerar ku
bilowda qaraxyo, markii dambena isku bedelo
iska hor imaad toos ah oo mudo socda.