HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Wasiirada Arrimaha dibada: "Dilka Ceyrow waxa ay ahayd tilaabo sax oo Mareykanka u qaadeen dhinaca deganaashiyaha Somalia,"

Muqdisho"6-may-2008(Arlaadiimedia)Dilka Ceyrow waxa ay ahayd tilaabo sax oo Mareykanka u qaadeen dhinaca deganaashiyaha Somalia," sidaasi waxaa yiri wasiirka wasaarada arrimaha dibada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliya, Cali Jaamac Jingili

 

Jingili waxa uu soo dhoweeyay weerarkii Ciidamada Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Dhuuso Mareeb, isaga oo sheegay in uu ahaa mid dhacay xilligii loo baahnaa.

 

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo beegmey, xilli siyaabooyin kala duwan looga hadlayay weerarkii lagu qaadey Dhuuso Mareeb ee lagu dilay Aaden Xaashi Ceyroow.

Xubno  xiriir suke la leh xarakada Al-Shabaab ayaa si weyn u cambaareeyay dilka loo geystay Aaden Xaashi Ceyroow, kuwaasi oo sheegay in weerarka uu ahaa mid aad looga xumaado.

Dhanka kalana madaxweynaha dowlada KMG C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhigiisa France kala hadlay arimo oo la xariira dhinaca dib u heshiisiinta iyo la dagaalanka qolooyinka burcad badeeda Soomaalida ee mudooyinka dambe ku sii kordhaya xeebaha waa weyn ee wadanka Somalia. 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.