HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Dibad-baxyo rabshado wata oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.

Muqdisho''6-may-2008(Arlaadiimedia)Waxaa Maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho dibad baxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo lacagaha shilin Soomaaliga ah ee la diiday qadashooda.

 

Dadweyne aan iska war qabin oo aad u careysan ayaa isugu soo baxay wadooyinka meelo magaalada Muqdisho ka mid ah, kuwaas oo qaarkood ku qamaamay gobo ganacsi.

 

Waxaa la xiray gobo ganacsi oo aad u faro badan, iyada oo meelaha qaarna uu joogsadey socodka gaadiidka Bl-ka ah.

 

Dadka qaarkiis waxa ay leeyihiin dibad baxyadan ayaa noqonaya kuwa sii socda maalmaha soo socda, iyada oo laga cabsi qabo in ay rabashado xoogan dhaliyaan.

Meelo magaalada Ka mid ah ayaaneey si weyn u saameyn dibad baxyadan, iyada oo meelahaasina ay weli ka jiraan kala soocida lacagaha shilin Soomaaliga ah.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.