Nin rayid ah oo
Kismaayo lagu dilay.
Kismaayo'6-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka ka
imaanaya magaalada Kismaayo oo ha xarunta
gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in kooxo
hubeysan ay halkaasi xalay dil ka geysteen.

Wararka ayaa
sheegaya in kooxahani ay dileen nin rayid
ah, iyada oo falkan dilka ahna uu ka dhacay
xaafada Faanoole, iyada oo sidoo kale lagu
soo waramayo in ay baxsadeen markii ay dilka
geysteen.

Dad goob
joogayaal ahaa ayaa sheegay in ninka la
dilay uu ku hadlayay taleefan nooca gacan
qaadka ah, iyada oo dadka qaarkood ay dilka
ninkaasi ku macneynayaan in uu ku lug
leeyahay dhac.

Falalka
noocan oo kale ah ayaa aad ugu soo batay
magaalada Kismaayo, iyada oo mararka qaar
dilalka ka dhaca ay yihiin kuwa
siyaasadeysan