HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Gudoomiyaha wadajir oo caawa beeniyay in degmadiisa Ciidamada dowlada ay ku dileen dad dibad baxayay.

Muqdisho''5-may-2008(Arlaadiimedia)Gudoomiyaha degmada wadajir oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo manta uu ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeeday sicir bararka iyo lacagaha shilin Soomaaliga ah ee la diidayo ayaa beeniyay in ciidamada dowlada ay halkaasi ku dileen dad dibad baxayaal ahaa.

 

Axmed Daaci oo caawa Wareysi bixiyay ayaa xaqiijiyay in dibad bax dadka ay kaga cabanayeen lacagaha la diidayo iyo sicir bararka uu ka dhacay degmada, laakiin aysan jirin warar manta soo baxay oo sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen dad dibad baxayaal ahaa.

 

“Waxaan ka xumahay in Idaacadaha aysan weli kala garaneyn degmooyinka oo waxa ay doonaan ay iska sheegayaan” ayuu yiri Axmed Daaci.

 

‘waa jirtaa dad ciidamada ay qab-qabteen oo la xiray, waayo dadka dibad baxa sameynayay waxa ay isugu jiraan dad dhibaatada ka cabanaya iyo dad in ay wax boobaan u socda” ayuu yiri Axmed daaci.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.