HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Xildhibaano ku eedeeyay Xukuumada Ra’iisal wasaare Nuur Cadde in ay hooyo iyo Aabe u tahay Sicir bararka iyo qiima dhaca Shilin Somaliga.

Muqdisho''5-may-2008(Arlaadiimedia)Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay xukuumada ra’iisal wasaare Nuur Cadde in ay mas’uul ka tahay sicir bararka iyo qiimaha dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ah.

 

Xildhibaanadan oo si kala gaar gaar ah ula Hadley saxaafada ayaa sheegay in xukuumada ay lumisay doorkii ka saarnaa in ay koortarool ku sameyso lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

 

Xildhibaanada Hadley manta waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aaden, isaga oo sheegay dhinaca kalena in ganacsatada looga baahan yahay in ay shacabka u turaan.

 

Wuxuu sheegay in xukuumada looga baahan yahay in ay dadaal xoogan ku bixiso in arrimahan wax looga qaban lahaa.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.