Maxamed Dheere:
“Axmed dhuuso Mareeb ayaa quseysee, hadoow
wax u sameyn karo, ha u soo sameeyo, Xamar
ma quseyso”
Muqdisho“4-may-2008(Arlaadiimedia)Axmed
Cabdi salaam talada aw ku yeelahaayo
magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa midka
aw ku yeelahaayo wasiirka daarood, Ama kan
Direed, ma ogyahay in dalku aw yahay federal
oo nin kasta deegaankiisa lagala tashahaayo”
sidaasi waxaa yiri maxamed Cumar Xabeeb (maxamed
Dheere), gudoomiyaha maamulka gobolka
Banadir oo Caawa wareysi aad u kululaa
bixiyay.

“Axmed dhuuso
Mareeb ayaa quseysee, hadoow wax u sameyn
karo, ha u soo sameeyo, Xamar ma quseyso”
ayuu yiri Maxamed Dheere.

“waxaa jiray
qorshe horey looga hadlaayay sidii Maamul
federaalka waafaqsan loo sameyn lahaa, marka
taas ma quseyso Axmed, waayo waxaw ka yimid
kun kiiloo miter ka badan, waxna laga warsan
mayo” ayuu yiri Maxamed Dheere.

“Horta
doorashada waxaa ka qeyb galaya dadka
deegaanka, laakiin nin aan deegaanka u
dhalan la dooran maayo, sida Axmedna ka
noqon mayo Marti” ayuu yiri Maxamed Dheere.

“aniga
dhaaraan ku mari karaa in ley soo doorahaayo,
marka doorasho la gaaro, hadaba dadkaa I soo
doortay”. ayuu yiri Maxamed Dheere.