Gaari ay leedahay
Idaacada Somaliweyn oo rag wata dareeska
ciidamada ay dhaceen.
Muqdisho''4-may-2008(Arlaadiimedia)Gaari
ay leedahay Idaacada Somaliweyn ayaa koox ka
tirsan ciidamada dowlada federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed ay qaateen caawa, sida ay
xaqiijiyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta
Idaacada ee magaalada Muqdisho.

Cumar Shaam
oo qaabilsan dhinaca suuq geynta Xayeysiinta
Idaacada, isla markaasna wade ka ahaa
gaariga xilliga ay ragani hubeysnaa oo watay
dareeska ciidamada dowlada ayaa xaqiijiyay
in laga qaatay gaariga.

Wuxuu sheegay
in Mar uu ka yimid dhinaca deegaanka Madiina
ay qabteen ragani watay dareeska ciidamada,
isaga oo sheegay in uu tusay dhamaan
warqadihiisa aqoonsi.

Wuxuu sheegay
in alaabo ay ka mid yihiin taleefankiisa
gacanta ay ku qaateen ragaasi.