Dabo-Geed:
“aniga wareegtada la igu magacaabey waxaa
soo saaray madaxweynaha, marka ra’iisal
wasaaraha ma diidani aniga, xilna igama
qaadi karyo”
Muqdisho“4-may-2008(Arlaadiimedia)aniga
wareegtada la igu magacaabey waxaa soo
saaray madaxweynaha, marka ra’iisal
wasaaraha ma diidani aniga, xilna igama
qaadi karyo” Sidaasi waxaa yiri Yuusuf Axmed
Hagar (Dabo-Geed), gudoomiyihii hore ee
gobolka Hiiraan .

“Anaga
Dagaalo ayaan soo galnay, wax badan ayaan ka
hor tagtay kooxaha dowlad diidka ah, marka
nin bakooradiisa wata oo hada yimid, Anaga
warkiisa yeeli meyno”.

“Danta
qaranka iyo Shacabka ku aamini meyno nin
dowlada siyaasadeeda ka hor imaanaya,
talaabooyinka ra’iisal wasaaraha waxaa
dowlada dumis”.

“Iyada oo
Muqaamada dagaal lagula jiro, welina aanu
dhamaan aan dad cusub soo magacaa wax
mustaxiil ah waaye, iyada oo Junni, taliyaha
ciidamada la dilay habeen hore ayuu ra’iisal
wasaaraha soo magacaabay kuwa aan wax badan
ka duwaneyn, waxa loo dilay Juni Ciidan
la’aan ayay ahayd, Kan la magacaabayna wax
kama duwana”.

Dabo-geed
ayaa sheegay in dhowaan uu tegi doono
magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in
meel ku dhow Baladweyne uu ku sugan yahay,
Isla mar ahaantaasina uu ciidamada isu keeni
doono, maadaama buu yiri dowlad dhexe oo
gacan siineysa aaney jirin, waa sida uu
hadalka u dhigaye, wuxuuna hadalkan bixiyay
Caawa.