Ra’iisal wasaaraha oo
maalintii labaad su’aalo la weydiinayo.
Baydhabo''3may-2008(Arlaadiimedia)Ra’iisal
wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed ayaa manta lagu wadaa in mar
kale baarlamaanka ay su’aalo weydiiyaan.

Su’aalaha
ayaa inta badan ku aadanaan doona dib u
heshiisinta, ciidamada dib u dhiska lagu
sameynayo, nabad galyada, dhaqaalaha dowlada
u soo xarooda iyo arrimo kale.

Xildhibaanada
qaarkood ayaa su’aalaha ay weydiinayaan
ra’iisal wasaaraha ay yihiin kuwa aad u adag,
halka qaar kalena ay weydiinayaan kuwa iska
caadi ah.

Si kastaba,
xildhibaanada qaarkood ayaa aad uga careysan
talaabooyinka ra’iisal wasaaraha uu qaadayo.