Cabsi ku aadan in
Diyaaradaha iyo Maraakiimta dagaalka
mareykanka ay mar kale Weeraro geystaan oo
soo baxaysa.
Muqdisho''3-may-2008(Arlaadiimedia)Waxaa
soo baxaya cabsi hor leh oo ku aadan in
diyaaradaha dagaalka iyo Maraakiibta
Mareykanka ay weeraro ka geystaan meelo kale
oo Soomaaliya ah.

Meelo badan
oo dalka ka mid ah oo ay ku jirto magaalada
Muqdisho ayaa si weyn looga hadal hayaa
cabsida ku aadan weerarka, iyada oo meelaha
laga cabsi qabana ay ku jiraan meelo ay ku
xoogan yihiin xarakada Al-Shabaab.

Diyaaradaha
wax basaasa ayaa inta badan lagu arkaa
hawada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo
mararka qaarkood aad u soo bata, inta badana
ku soo beegma marka dagaalo ay ka dhacaan
magaalada.

Cabsidan ayaa
timid kadib markii weerar lagu qaadey xubno
ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka
Dhuuso Mareeb.