HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Diyaaradaha Wax Basaasa oo Hiiraan ku soo badanaya iyo dadweynaha oo hadal haya.

Baladweyn''3-may-2008(Arlaadiimedia)Waxaa ku soo badanaya gobolka Hiiraan diyaaradaha wax basaasa oo aan horey looga baran halkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan oo inta badan aan muuqaalkooda la arkey, balse guuxooda la maqlayo ay ku gaaf wareegayaan.

 

Waxaan la ogeyn xilligan waxa ku soo beegaya diyaaradahan Hawada Hiiraan, inkastoo loo maleynayo in ay la soconayaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab iyo maxaakiimta.

 

Si kastaba, Ciidamada golahaa maxaakiimtaa iyo Al-Shabaab ayaa aad ugu badan gobolka Hiiraan, kuwaasi oo gobolka gacanta ku haya meelo badan oo ka mid ah.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.