HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Dhoofinta Sisinta oo weli ka socota dekeda Muqdisho.

Muqdisho''3-may-2008(Arlaadiimedia)Dhoofinta Sisinta oo kol dhoweyd wareegta uu soo saaray ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka lagu joojiyay ayaa weli socota.

 

Qaar ka mid ah howl wadeenada dekeda ayaa sheegay in ilaa berito la soo gabagabeyn doono dhoofinta Sisinta, iyada oo horey ra’iisal wasaaraha uu amar ugu bixiyay in aan la dhoofin Karin Sisinta.

 

Sisin aad u faro badneyd oo u iibsaneyd ganacsato Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa u iib geynayay ayaa lagu amrey in ilaa 1-da bishan oo Khamiista ku beegneyd ay ku rartaa.

 

Weli waxaa yaala suuqyada magaalada Muqdisho dalabka aruurinta sisinta, iyada oo aan la ogeyn sida lagu qaadayo.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.