Nin la sheegay in uu
ka mid ahaa labo nin oo qorsheyneysay in ay
dilaan Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo
gacanta lagu dhigay.
Muqdisho''3-may-2008(Arlaadiimedia)Nin
sida la sheegay ka mid ahaa labo nin oo
dhalinyaro ahaa, isla markaasna qorsheynayay
in ay dilaan gudoomiyaha degmada Kaaraan
ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay
xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ninkan oo ku
hubeysnaa Bistoolad ayaa laga hor qabtay
ilinka guriga uu degen yahay gudoomiyaha oo
ku yaala inta u dhaxaysa degmada iyo
saldhiga Kaaraan.

Dhaawac ayaa
lagu soo waramayaa in loo geystay ninkan
dhalinyarada ah ee la qabtay, ayada oo
wararku ay sheegayaan in uusan ka mid ahayn
kooxaha dowlada ka horjeeda ee dilalka
geystay.

Mid kale oo
la socdey ninkan la qabtay ayay dadka goob
jooga ahaa ay sheegeen in uu fadhiyay ilin
kale oo uu guriga leeyahay, uuna cararay
markii ay soo baxeen ilaalada gudoomiyaha.

Waxaan si
rasmi ah loo xaqiijin Karin in ragani ay ka
mid ahaayeen kooxaha dilka geystay, maadaama
aaney qiran.