HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

Maxaa ka jira in dhamaan saldhigyada Booliiska ee dalka  la dejinayo ciidamo Itoobiyaan ah.

Muqdisho''2-may-2008(Arlaadiimedia)Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhamaan saldhigyada ciidamada booliiska dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed la dejin doono ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Arrintan ayaa timid, sida wararku sheegayaan in kadib markii la go’aamiyay in magaalada laga saaro ciidamada dowlada iyo ilaalada mas’uuliyiinta dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed.

 

Ilaaladii faraha badneyd ee mas’uuliyiinta dowlada federaalka ayaa la dhimay, iyada oo mas’uuliyiinta badankood loo ogolaadey min shan askari oo booliis ah.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay sugi doonaan amaanka, kuwaasi oo la sheegay in saldhigyada booliiska gobolada xitaa ay ka howl geli doonaan.

Ilaaladii ku sugneyd gurigii ra’iisal wasaare Geedi ayaa dareyska iyo hubkaba laga dhigay, iyaga oo intooda badan laga aruuriyay, waxaana guriga lagu reebay afar askari oo aan labisneyn, dibadada gurigana aan ula soo bixi Karin hubkooda.

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.