HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

Feejignaan dheeri ah oo ay sameynayaan ciidamada Ajnabiga iyo Dowlada federaalka.

Muqdisho''2-may-2008(Arlaadiimedia)Feejignaan Dheeri ah ayay muujinayaan ciidamada Ajnabiga ah ee dalka ku sugan iyo dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, iyada oo ay jiraan cabsiyo ku aadan in weerar aargudasho ah lagu soo qaado.

 

Dhamaan goobaha ay degen yihiin mas’uuliyiinta dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, goobaha lagu howl galo iyo goobaha ay degen yihiin ciidamada Ajnabiga ah ee dalka jooga ayaa amaankooda aad loo adkeeyay.

 

Wararka waxa ay leeyihiin arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ee ka horjeeda dowlada ay wacad ku mareen in ay aargoosan doonaan.

 

Waxaan la ogeyn Talaabada ay noqon doonto aargoosiga ay sameyn doonaan Al-Shabaab, waxaana la saadaalinayaan in ismiidaamin u badan in gaadiid loo aadeegsado ay sameyn doonaan.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.