HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

Qarax lala beegsadey Ciidamo Itoobiyaan ah saakay.

Muqdisho''2-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamo aad u faro badan oo Itoobiyaan ah ayaa saakay xiray wadada Maka Al-Mukarama, ayaga oo halkaasi ka sameynaya howl galo baaris ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada federaalka Itoobiya saakay lala beegsadey Qarax, xili ay marayeen wadadaas, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray.

 

Ciidamada ayaa markii qaraxa uu dhacay xiray goobta, ayaga oo joojiyay socodka dadweynaha iyo kan gaadiidkaba.

 

Shalay ayay ahayd markii sidoo kale qarax uu ka dhacay agagaarka isgoyska km4, wax yar kadib markii la helay warka ku saabsan in gurigii uu degenaa lagu weeraray Aaden Xaashi Ceyroow.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.