Taliyaha ciidamada qalabka sida oo xalay
lagu dilay Baladweyne.
Baladweyn''30-april-2008(Arlaadiimedia)Waxaa
xalay gurigiisa oo ku yaala magaalada
Baladweyne, xarunta gobolka Hiiraan lagu
dilay taliyihii ciidamada qalabka Sida ee
gobolka Hiiraan, xilli magaalada ay ka maqan
yihiin maamulkii dowlada federaalka ay
halkaasi u magacawdey.

Wararka ayaa
sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay
gurigiisa ugu tageen taliyaha oo la oran
jiray C/laahi faarax Juni, kuwaasi oo
taliyaha banaanka guriga uga soo saaray,
kuna dilay banaanka.

Arrinta ugu
hadal heynta badan ayaa noqotay dilka loo
geystay mas’uulkan, iyada oo dadka qaarkood
ay sheegayaan in ay arrintani ahayd mid aad
looga wanaagsanaa.

Wararka qaar
waxa ay leeyihiin raga dilka geystay ayaa
ahaa ciidamada maxaakiimta.

C/laahi faarax
Juni ayaa xilka la wareegay lix bilood ka
hor, kadib markii la dilay Axmed Faarax
Xubeyro oo xilkaasi heyn jiray.