Qarax lala beegsadey Ciidamo Itoobiyaan ah.
Baydhabo''30-april-2008(Arlaadiimedia)Waxaa
qarax xoogan lala beegsadey ciidamada
dowlada federaalka Itoobiya oo ku sugnaa
magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay.

Wararka
ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 qofood ay
geeriyoodeen, tiro intaas ka badana uu
dhaawac soo gaaray, kadib markii qaraxa uu
ka dhacay gudaha magaalada, gaar ahaan
agagaarka saldhiga yaraha.

Markii
qaraxa uu dhacay ayay wararku sheegayaan in
ciidamada Itoobiyaanka ay rasaas rideen,
taasi oo sida la sheegay waxyeelo gaarsiisay
dad aad u faro badan.

Warar kala
duwan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, iyada
oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa
nooca dhulka la geliyo.

Ilaa shan
qarax ayaa ka dhacdey magaalada bishan
gudaheeda.