HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Ciidamo Madani ah oo gobolka Sh/Dhexe ka howl galaya.

Jowhar''april-2008(Arlaadiimedia)Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa laga hergeliyay ciidamo madani ah, kuwaasi oo sida la sheegay ka shaqeyn doona arrimaha nabad galyada.

Ciidamadan ayaa iminka gacanta ku haya magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, xilli la sheegay in ay ka baxeen ciidamada golaha maxaakiimta ee dhowaan magaaladaasi galay.

Waxaa lagu soo waramayaa in madaxdii ciidamadii maxaakiimta ay kala hadleen odayaaasha gobolka sidii amaanka ay u sugan lahaayeen.

Ciidamadan ayaa madaxdooda ay sheegeen in ay ku wareejin doonaan amaanka hadba cidii u timaada, haddii ay ahaan lahayd maxaakiimta iyo Haddii dowlada ay ahaan lahayd.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.