Gudoomiyaha Baladweyne oo
is casilay.
Baledwetn''28-april-2008(Arlaadiimedia)Gudoomiyaha
degmada baladweyne oo ka tirsan gobolka
Hiiraan ayaa sheegaya in uu is casilay
gudoomiyaha degmadaasi.

Gudoomiyaha
Cilmi saneey oo shir jaraa’id ku qabtay
deegaanka Feer Feer ayaa sheegay in uu
xilkaasi iska dhigay, kadib markii sida uu
sheegay ay wax qaban waayeen.

Warar soo baxaya
ayaa sheegaya in arrintan is casilaada
gudoomiyaha ay timid, kadib markii sida la
sheegay khilaaf uu soo kala dhex galay isaga
iyo gudoomiyaha gobolka Yuusuf Dabo Geed.

Ma aha markii
ugu horeysay uu shaaciyo qof ka tirsan
mamulka Hiiraan in uu xilkiisa ka tagayo,
iyada oo arrintani ay ku soo beegmeyso xilli
maxaakiimta ay ku so xoogeysanayaan gobolka.