Dabo
Geed oo Baladweyne ku sii jeeda iyo Odayaal
wada dadaalo nabadeed.
Baladweyn''28-april-2008(Arlaadiimedia)Wararka
laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in
uu jiro qorsho ay wadaan maamulka gobolkaasi
oo ku aadan sidii ay dib ugu laaban
lahaayeen baladweyne oo Hiiraan caasimad u
ah.
Wararka
ayaa sheegaya in yuusuf Dabo-geed,
gudoomiyaha Hiiraan oo ay wehliyaan ciidamo
Itoobiyaan ah ay ku soo jeedaan magaalada
Baladweyne.
Dabo-Geed
ayaa idaacada maxaliga ee Baladweyne ka
sheegay in ay dhowaan tegi doonaan
magaaladaasi.
Odayaal
dhaqameedyo iyo wax garad kale ayaa wada
dadaal ku aadan sidii looga hortegi lahaa in
gudaha Baladweyne aaney uga dhicin wax
aargoosi ah marka ay dib halkaas ugu soo
laabtaan mamaulka Hiiraan.
Qaar
odayaasha ka mid ah ayaa ku dadaalaya sidii
mamaulka Hiiraan iyo Itoobiyaanka loogu
qancin lahaa in aysan Itoobiyaanka soo gelin
magaalada.