HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

 

Howl gal saakay Ciidamada Itoobiyaanka ay ka sameeyeen Heli Waa.

Muqdisho''28-april-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saakay howl gal ka sameeyay Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa, gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay saakay aroornimadii isku soo fidiyeen degmada, halkaasi oo sida la sheegay ay ka qab-qabteen dad dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood la sheegay in sii daayeen.

Dadka la qab-qabtay ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada ay weydiiyeen su’aalo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin kooxaha ka horjeeda dowlada federaalka kmg-ka SOomalaiyeed.

Ma jiraan ilaa iyo iminka wax rabshado ah oo ka horjeeda ciidamada Itoobiyaanka oo halkaasi ka dhacay.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.