HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
   

Qarax ka dhacay wadada maka Al Mukarama.

Muqdisho''28-april-2008(Arlaadiimedia)Waxaa goor dhoweyd qarax uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in agagaarka Shineemo Soomaali uu ka dhacay qarax xoogan, xilli halkaasi la sheegay in uu marayay gaari ay wateen ciidamada Itoobiyaanka.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo iminka qasaaraha ka dhashay qaraxan, iyada oo isla markiiba la xiray goobta uu qaraxa ka dhacay oo loo diidey in ay maraan gawaarida iyo dadkaba.

Waxaa jira dad la sheegay in ay ciidamada dowlada federaalka ay halkaasi ka qabteen, kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxa dhacay.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.